Waxa qoray qormadan Caliqeyr M. Nuur. 07 Jan. 2023 Akhris wacan :)
Waxa aan qormadan ku eegi doonnaa waxtarka sheeko-dhaqameedka iyo baahida
loo qabo kaydinteeda. Waxaan tiirdhexaad uga dhigan doonnaa buugga “Isha
Cumar ka lulata” ee uu qoray Dr. Georgi L. Kapchits oo u dhashay wadanka Ruushka,
balse xeeldheere ku ah afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
XOG GUUD
“Isha Cumar ka lulata” waxaa lagu dhigay boqol iyo toddobaatan sheeko
Soomaaliyeed oo xul ah. Waa laba-afle – Soomaali iyo English. Dabayaaqadii
2022 ayay madbacadda Hiil Press ka soo saartay dalka Masar. Tirada
bogaggiisu waa 306.
ARAR
Hibada ka muuqata afka iyo suugaanta Soomaalidu waa dhaxal guun ah, balse
welwel laga muujinayo. Sida ay indheergaradka wax qoraa u badiyaan, waxaa
afkan ku socda hoos-u-dhac la eersanayo weerar kaga imanayo afaf qalaad oo
xooggan, sida Ingiriisiga iyo Carabiga. Raad kale oo tabanna waxaa ku leh noloshii
miyiga oo gabaabsi sii ah, waana halkii laga heli jiray quruxda iyo tahanka
erayada. Lama oga in uu afkani iska caabbin doono gembiga lagu hayo; in uu
awoodeysan doono ama in uu gedman doono intaba. Waxaase la hubaa in uu
burburkiisu ka dhigan yahay ambashada falsamada dadkeennii hore iyo murti ka
dhurowday kumanaan gu’ oo waayo-aragnimo ah.
Maanta waxaa aloosan loollan adag oo u dhexeeya baylihinta iyo badbaadinta
afka. Waxaa miisaanka labada dacal ka kala saaran labo is diiddan oo kala ah:
Bidix: Hay’adaha waxbarashada dalka oo intooda badan maadooyinka
aasaasiga ah ku dhiga af qalaad. Sidaas oo kale, hay’adaha maamullada
Soomaalida oo badanaa xiriirkooda ugu mudan ka dhigta afaf shisheeye, sida
Ingiriisiga, Faransiiska, Carabiga iwm.
Midig: Qoreyaal madaxbannaan iyo ururro ama madbacado wax daabaco oo u
geyfan soo-saarista, faafinta, horumarinta iyo weliba abuurista baraarug ah in
uu afkii gedmanayo. Waxay ku dadaalaan inay xoojiyaan oo baraxtiraan
adeegsiga af Soomaaliga.
Georgi Kapchits oo ah qoraaga “Isha Cumar ka lulata” isagu wuxuu gelayaa
qolada midig. Haddii aan waxqabadkiisa kormarno; wuxuu barashada af
Soomaaliga bilaabay 1964, isaga oo ku qaatay shahaadada PhD. Kow iyo toban
buug ayuu suugaanta Soomaaliyeed ka qoray iyo maqaallo cilmiyeed oo kala jaad
ah, golayaal badan oo caalami ahna afkan ayuu ku metalay. Inta badan buugtiisu
waa dhaxalgal uu ku kaydiyay suugaan iyo murti aan dhumitaankeeda laga
cayman lahayn. Hormuudka buugta uu af Soomaaliga ka qoray, kuna qoray
waxaa ka mid ah:
- Faaliyihii la bilkayday — A Soothsayer Tested. Moosko. 2006. Wuxuu ku dhigay
115 sheeko-dhaqameed oo ku qoran af Soomaali iyo af Ingiriis.
- Hubsiimo hal baa la siistaa — To know something for sure one would even
part with a she-camel. Moosko. 2002/ Riga 2016. Wuxuu ka kooban yahay
658 maahmaah oo ah kuwa ugu caansan murtida Soomaaliyeed.- Isha Cumar ka lulata —The Knocked-Out Eye of the Hyena. Qaahiro. 2022.
Waa koobe lagu dhigay 172 sheeko-dhaqameed.
- Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed — A Modern
Dictionary of Somali Proverbs. Katrineholm. 2020. Waxaa lagu kaydiyay
5000 oo maahmaah oo intooda badan ah af Soomaali iyo English isla
gudboon.
- Sentence particles in the Somali language and their usage in proverbs.
Aahen. 2005. Buug uu ka qoray unugyada jumlada af Soomaaliga, waa
qormadii uu ku qaatay shahaadada PhD.
Kaydka sheeko-dhaqameedka
Georgi wuxuu buuggan “Isha Cumar ka lulata” ku dhigay 172 sheeko oo ah kuwii
caanka ka ahaa Soomaalida dhexdeeda, balse la moodo in ay beryahan ka sii
guurayaan xusuusta bulshada. Sida uu qoraagu qabo “Sheekooyinka
Soomaaliyeed ee hiddaha ah waxaa loo kala qaybin karaa ugu yaraan shan jaad.
Waxay kala yihiin: sheekooyin mala-awaal ah – mythological tales, sheekooyin
xayawaan – animal tales, sheekaxariirooyin – fairy tales, sheekooyin sooyaal ah –
legends, iyo sheekooyin murtiyeed – novelistic tales” (Kapchits, b. 12). Qayb
kastaba wuxuu ka soo qaadanayaa intii uu u arkay mudanka, isaga oo ku qoraya
hadba sidii loogu weriyay afguriyadii uu tixraaca ka helay.
Sheekooyinka intooda badani waxay xambaarsan yihiin farriimo anshaxa la
xiriira, kuwana waa sooyaal qofeed, halka ay qaarkood yihiin hal-abuur barax la’,
balse leh farriimo dahsoon. Inkasta oo Afrika lagu sheego dherebtii aadanaha iyo
isha ay ilbaxnimo kastaaba xididkeedu galo, haddana sheekooyinka Soomaalida
waxaad mooddaa biladdaye ay dunidu iska wada dhex arki karto. Isu-ekaanshaha
sheekooyinka hiddaha ah ee dadyowgu waxay muujinaysaa xiriirka qotoda dheer
ee la wadaago, sidii la doonaba ha loo kala fogaadee. Masaafada dhuleed ee
dalalka iyo qaaradaha u dhexeysaa marnaba saamayn kuma yeelan fikir-
wadareedka aadanaha, sida hal-abuurka sheekooyinka, heesaha codka loo
qurxiyo iyo in suugaantoodu u kala baxdo laamo isku mid ah.
Bal arag sheekada “Daldaloole” (b. 15) oo ka hadlaysa sidii ay cirka iyo dhulku ku
kala durkeen. Sida ay sheekadu werinayso, berigii hore cirka iyo dhulku way isku
dhowaayeen, se wuxuu cirku fogaaday markii ay naago badar tumayo ku
dulduleeliyeen tibtii ay badarka ku kalootinayeen. Qorraxda, xiddigaha, bisha,
dabeylaha iyo saamaynta cimiladuna waxay ka soo dusaan meelihii berigaas cirka
laga duleeliyey. Waa sheeko qurux badan oo maanka ilmaha uga filnaan karta weyddiimaha la xiriira abuurka jiraanka. Maantooleydaas oo kale waxaa qaba
Reer Ghana, qabiilka Ashanti. Halkan, “Onyankopon” oo ah ruuxaan ay
weyneeyaan, balse ku jirta halkii “Daldaloole” ayaa ku noolayd meel dadka
madaxooda la siman. Cirka ayaa gogol u ahaa. Waagii dambe ayay naag badar
tumaysaa dhowr jeer tibtii ku mudday. Sidaas buu Onyankopon cirkii u qaatay oo
meel fog la tegay. Sheekadan qaybteeda dambe ayaad mooddaa inay ku xirmayso
tii Soomaaliyeed ee “Awrka Cirka” (b. 17) oo Soomaalida dhexdeeda caan ka ah.
Reer Ashanti si ay cirkii fakaday u soo celiyaan ayay wixii mooye carriga yiil oo
dhan is dulsaaranayaan, balse hal mooye ayaa ka maqnaanaya si ay cirka u
gaaraan. Kolkaas bay naagtii talada-xumayd mooyihii u hooseeyey soo bixinaysaa
si ay dadkii kore ugu dhiibto. Halkaas bay dadkii oo dhammi hoos u daadanayaan.
Xagga Soomaalidana, markii la arkay awr cirka ka muuqda ayaa la doonay in la
soo boojiyo. Dadkii ayuu qofba qof kale ku dul istaagay ilaa la gaaray awrkii cirka.
Kolkaas buu ninkii ugu sarreeyey wuxuu dalbanayaa in loo soo dhiibo hoggaankii
uu awrka ku qammisi lahaa. Dalabkaas kaddib, ninkii dadka ugu hooseeyey ayaa
rogonsanaya si uu xarigga u soo qabto, sidaas bay dadkii oo dhammi dhulka ugu
soo hoobanayaan.
Inkasta oo ay Soomaalidu geela iyo ragga wada xiriiriso, taasina ay noqon karto
sababta ay raggu dhacdadan u jilayaan, haddana gefafkii abuurka adduunyada la
xiriiray ayay sidii Ashaantiga oo kale dumarka ku eedeeyeen.
Marka laga yimaaddo sheekooyinka hal-abuurka ah, waxaa iyaguna jira kuwa la
xiriira sooyaal qofeed. Kuwa i soo jiitay ee haddana ay bulshooyin kale Soomaalida
la wadaagaan waxaa ka mid ah taxanaha Carraweelo. Waa boqorad arxan
darnayd oo ragga dhufaani jirtay, kuna qaybtay hawlihii ay dumarku qaban
jireen, sida cunto-karinta, falkinta, cugitaanka iwm. Sida ay Soomaali badan
qabaan, Carraweelo waxay ahayd run, halka ay qoreyaashii Drake-Brockman iyo
Ralph buuggoodii “British Somaliland” (b.169) ku xuseen in Carraweelo ahayd
Habarjeclo oo ah beel Soomaaliyeed. Qowmiyadda Siidaamo ayaa iyaguna leh
halyeeyad dumar oo la oran jiray Furra. Sida ay qoreen Markos Tekle (b. 67) iyo
Seyoum Hameso (b. 16), Furra waxay ahayd Siidaamo, qabiilka Hawella Gadire,
waxayna ku hilaadiyeen in ay talinaysay toddoba gu’ oo qarnigii 15aad ah.
Murtida ay dumarka Soomaaliyeed adeegsadaan ee ah “burcadka iyo hilibka
ceerriinba ragga lama tuso, oo markii la shiilo way yaraadaan, kolkaas bay is oran
iyada ayaa cuntay” waxay Siidaamadu tiraa waa dardaaran ay Furra dumarka
siisay. Furra iyo Carraweelo labaduba waxay colleysteen ragga indheergaradka
ah, wayna laayeen. Gaar ahaan, Furra waxay dili jirtay odayada, ragga bidaarta
leh iyo kuwa gaaggaaban oo ay caqli dheeri ah ku tuhmaysay. Labadoodaba
waxaa ka badbaaday laba oday oo raggii xilligaas joogay ay qarin jireen si ay ula
tashadaan kolka ay boqoraddu xujayso. Furra waxay sababsatay talo uu lahaa oday gaaban oo bidaar leh, Carraweelo iyaduna waxay eersatay dhagarta oday la
oran jiray Biiqaa. Soomaalida iyo Oromada, labaduba waxay leeyihiin goobo la
yiraa waa xabaashii Furra ama Carraweelo. Maadaama ay labada
qowmiyadoodba yihiin Kooshin (Cushitic), waxay noqon kartaa sooyaal la
wadaagay ama sheeko layska amaahday. Waase arrin uu dabagalkeedu xiise
leeyahay.
Boqol iyo todobaatanka sheeko ee uu Georgi buuggan ku ururiyey waxaan u arkay
kayd dahab ah. Waxay xambaarsan yihiin taariikh bulsheed, balse inteeda badani
dahsoon tahay, ama waano ayaa ku sugan oo murti nololeed ayay salka ku
hayaan. Af iyo suugaan la’aan, ma suurowdeen in jiilba jiilka ka dambeeyo u
gogolxaaro, una reebo ilbaxnimo iyo sooyaalka tabihii ay ku guuleysteen. Hubaal,
si uun bay noloshu macne u yeelataa marka lagu laro dhurtii ka soo baxday
waayihii la soo maray. Dhurtaasna waxaa lagu weeleeyaa sheekooyinka oo marka
ay ugu wanaagsan yihiin samaha nagu boorriya, xumaantana naga reeba, marka
ay ugu yar tahayna aan ka helno xog ifinaysa sooyaalka arrin xiiso gaar ah noo
leh.
Haddii si habaysan loo qaabeeyo, sheeko-dhaqameedka waxaa loo adeegsan karaa
barbaarinta ilmaha si loogu ilaaliyo dabeecadaha wanaagsan. Intooda badan
sheekooyinku waxay weriyaan arrimihii laga dhaxlay go’aan kas loo qaatay ama
fal aan laga fiirsan. Sida sheekada ridii aragtay dawacadii ceelka ku dhacday.
Kolkii ay warsatay sababta ay ceelka ugu jirto ayay dawacadii ku tiri “biyaha
hoose ayaa ka qabow kuwa aad halkaas sare ka cabi karto ee kaalay” Ridii iyada
oo aan ka fiirsan bay ceelkii dalaq tiri. Markii ay biyihii ka wabaxdayna waxay
ka welweshay sidii ay uga bixi lahayd. Dawacadii ayaa tiri “Xarig ayaan hadhow
kuu soo tuurayaa ee aan dhabarkaaga ku istaago oo banaanka u baxo.”
Ayaandarro, kolkii ay dawacadii sidaas bannaanka ugu baxday ayay ridii ku tiri
“Intaadan falin ka fiirso”, wayna ka dhaqaaqday. Tani ma aha sheeko uun, balse
waa waano ilmaha loogu sheegayo in uu ka fekero waxa u muuqda, waxa kala
gudboon iyo waxa falkiisa ka dhalan karo.
Sida uu Georgi buuggiisa ku yiri “Sheekooyinka ku qoran af-Soomaaliga waxaa
loogu talaggalay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha jooga
ee ka go’an suugaanta hiddaha ah ee jiilalkii hore laga dhaxlay...” (b.11).
Haddana dhanka kale, maadaama buuggu laba afle yahay, wuxuu soo bandhigay
wixii ay bulshada afkan ku hadashaa adduunka ugu deeqi kartay. Sow dulqaad
uma yeelateen qolo aad suugaantooda jeceshahay? Waa sidaas, suugaan is
weydaarsigu door weyn ayuu ka qaataa isu-soo-dhowaanshaha bulshooyinka kala
haybta ah. Inkasta oo uu qoraagu adeegsaday erayga “dhallinyarada” haddana,
aragtidayda, murtidani waa mid aanu seeraheedu da’ lahayn oo heer kastaaba
anfacaysa.Weligeedba, doorka sheekadu ma aha oo qura dadka ifka jooga, waxay
aqoonyahanka cilminafsigu tibaaxaan in xitaa ay waxtar u leedahay uurjiifka –
ilmaha aan weli dhalan. Dad badani maangal uma arkaan in ilmo caloosha
hooyadood ku jiro loo sheekeeyo. Balse “marka aynu ku hadalno erayo diirran,
hufan oo ay deeqsinnimo weheliso, waxay kobciyaan maskaxda iyo qalbiga
uurjiifka, filashaduna waa in ay hadhow yeeshaan astaamahaas wanaagsan”.
(Nancy, b. 90).
Si taas ka duwan, waxaa jirta rumayn diimeed oo ah in uu qof kastaba aakhiro heli doono samaantii uu adduunyada uga tegay. Taas ujeedkeedu waa in qofkii curiyey ama faafiyey sheeko wanaagsan oo nolosha dadka anfacaysa uu aakhiro faa’iideeda helayo. If iyo iilba, wanaaggu seere ma leh.
Haddii ay Soomaalidu ahayd bulsho afkeedu hodon yahay, ama lagu sifayn jiray
bulsho gabyaayo ah, maanta gabbalkaasi wuu sii janjeeraa. Waxaa jirta awood
shiiqinaysa oo dhanka sare ee dawladda iyo dhanka hoose ee shacabkaba kaga
imanaysa. Mahad weynna waxaa mudan dadka aqoonta iyo hawlkarnimada
muujiyey ee afkan ku adeegsaday qoraal, ama sooyaalkiisa wax ka qoray. Sababta
oo ah “afku waa aqoonsi iyo astaan laysku haybsado, dadkana lagu kala garto,
waana dhaxal awoowe oo aanay jirin cid ay daw ku tahay in ay ka qaddo” (Aw
Cabdiqani, b. 123).
Afrika waxaa loo og yahay sida ay hodon uga tahay khayraadka dabiiciga ah.
Waxaa la yiraa ‘waa dambiishii cuntada dunida’, waxaana baahay halhayska
qurbajoogta iyo dadka uu firkoodu qaaraddan ka soo jeedo ee ah “Mustaqbalku
waa Afrika”, balse sidee u ekaan karaa mustaqbal aan af qumman lahayn.
Dabcan, benii-aadnimada iyo afku kalama geyoodaan, waase muhiim in waxa la
hayana la dhowro, waxa soo socdana gogolxaar san loo sameeyo.
Gunaanud
Waxaan qormadan uga soo hadalnay doorka ay sheekadu uga jirto nolosha
bulshada iyo waxtarkeeda. Welwelna waxaa looga muujiyay baylahdeeda iyo
weliba hoos-u-dhaca guud ee af Soomaaliga haysta. Georgi L. Kapchits oo
sanadkan u dabbaaldegay 83-jirnimadiisu wuxuu afkan u galay abaal weyn oo
mudan qiraal heer sare ah. Wuxuu noloshiisa oo dhan u baaliday raadraaca iyo
soo-saarista sheekooyinka iyo maahmaahda Soomaaliyeed oo uu ka soo saaray
dhiganayaal iyo qormooyin tiro iyo tayo leh. Ma oranayo: “Meeday billaddiisii?”
Waxaanse filayaa in ugu yaraan dhug loo yeesho dhaxalka uu u hedladay iyo
kaydka uu nooga tegayo. Nin maqan tebiddii waa nin jooga ceebtii!
Buugga ISHA CUMAR KA LULATA waxa aad ka helaysaa Maktabadda Hiil Press
Tixraac
Aw Cabdiqani Xasan (2021) Muxumed. ABABINTA TOOSAN — Tala kugu hagaysa barbaarinta san ee ilmaha. Stocholm.
Caliqeyr M. Nuur (2022). Abtirsiinta Erayga af Soomaaliga. Qaahira.
Drake-Brockman, Ralph Evelyn (1912). British Somaliland. Hurst & Blackett. London
Georgi L. Kachits (2022). Isha Cumar ka lulata. Qaahira.
------ (2005). Sentence particles in the Somali language and their usage in proverbs.
------ (2022). Qaamuuska Casriga ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed — A Modern Dictionary of Somali Proverbs. Katrineholm.
Markos Tekle Rike (2014) State-Society Relations and Traditional Modes of Governance in Ethiopia: A Case Study of Sidama. Adisababa.
Nancy Mellon (2000). Storytelling with Children. Wiltshire
Seyoum Hamesa (1997) The Furra Legend in Sidama Traditions. https://www.academia.edu/